Heemaal News Network
somali

Rooble Oo La Kulmay Ergeyda Qatar Ee Ku Sugan Soomaliya

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Ergeyga Gaarka ah ee Wasiirka Arrimaha Dibadda Qatar Dr. Mutlaq Al-Qahtani.

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay xiisada siyaasadeed ee dalka, dadaalada Qatar ku dooneyso in lagu dhammeeyo kala duwanaanshaha siyaasadeed iyo sidii Soomaaliya doorasho nabdoon uga dhici laheyd, waxaana Qatar balanqaaday inay garab istaagi doonto dadaalada uu Ra’iisul Wasaaraha.

Ergeyga ka socda dowladda Qatar oo xalay ku hoyday Muqdisho ayaa maanta kulamo la yeelanaya dhinacyada kala duwan ee siyaasadda sida Mucaaradka, xubno ka kala tirsan dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada

Dr Mutlaq Al-Qahtani ayaa xubnaha uu la kulmayo waxaa ka mid ah Midowga Musharaxiinta, kulankan oo caawa ka dhacaya Hotelka Decale ayaa noqon doona kii u horreeyay ee mas’uul sare oo ka socda Qatar la yeesho Mucaaradka dowladda.

Related posts

Siyaasi ka Tirsan Xisbiga Wadani Oo Eedeymo U Jeediyay Maayar Moogaha Hargaysa.

Heemaall

Taliyaha NISA Fahad Yaasiin Oo Jawaab ka Bixiyey Amarkii R/W Rooble Ee Dilka Ikraan.(Akhriso)

Heemaall

Magaalada Roma Oo Bilowday In Ay Dunto “Shilkii U Danbeeyey”

Heemaal