Heemaal News Network

Rooble Oo Safar Kadis Ah Ku Tagay Xerada Ballidoogle Ee Ciidamada Maraykanku Dagan Yihiin

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xusseen Rooble ayaa safar deg deg ah ku taggay xerrada Ballidoogle ee gobolka Shabeellaha hoose halkaa oo fariisin u ah ciidamada Mareykanka.

Ra’iisal Rooble ayaa waxaa safarkiisa ku wehlinaya xubno ka tirsan xukuumaddiisa isaga oo halkaa u guurgalaya xaalada ciidamada Mareykanka iyo kuwa DANAB ee ku sugan fariisinka ku leh xerrada.

Waxaa lagu wadaa in Ra’iisal Wasaaruhu kulamo kala duwan la qaato saraakiisha ciidamada Mareykanka ee tababarka siinaya ciidamada dowladda gaar ahaan kuwa DANAB, oo ka mid ah ciidanka xoogga dalka.

Waxa kaloo Ra’iisal Wasaaruhu qiimeyn doonaae xerada Balidoogle oo tababaro gaar ah lagu siiyo ciidamada kumaandooska xoogga dalka Soomaaliyeed.

Booqashadan ayaa imeysa xilli Mareykanka uu qorsheynayo in maalmaha soo socda ciidamadiisa uu kala baxo gudaha Soomaaliya, waxaana go’aankaasi horey ugu dhowaaqay madaxweynaha laga guuleystay ee Donald Trump.

Related posts

Maamul Goboleed Diiday ka Qeyb galka Tartanka Ciyaaraha Ee ka Furmaya Muqdisho.(Akhriso)

Heemaall

Puntland Oo Gacanta ku Dhigtay Qaraxyo loo Maleegayay Magaalada Boosaaso.(Sawiro)

Heemaall

Maxaa Sababay In Garoonka Diyaaradaha Garoowe Uu Xirnaado Maalintii 4-aad.?

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More