Raiisulwasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa qaadacay Heshiiska Cusub ee Shidaalka.
Qoraal kasoo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa lagu yiri “Heshiiska la sheegay in Wasiirka Batroolku uu saxiixay ee la xiriira arrimaha Shidaalka Soomaaliya waa mid sharci darro ah oo aan loo marin waddo shirci ah sidaas darteed waxba kama jiraan.
Ra’iisulwasaraha ayaa qaadidoonaa talaabooyin sharci ah oo looga jawaabayo falkaas xadgudubka ku ah Hantida Qaranka iyo dhaxalka Jiilalka soo socda si loo ilaaliyo amaanada Ummadda Soomaaliyeed”