Heemaal News Network
Caalamka

Rouhani Oo Sheegay In Keyd Cusub Oo Saliid ah Laga Helay Iran.

Hoggaamiyaha Iran ayaa sheegay in saliid cusub ay ka heleen dhul baaxad weyn oo ku yaalla koonfur galbeed ee dalkaasi Iran.

Madaxweyne Hassan Rouhani ayaa sheegay in dhulkan shidaalka laga helay ay ku jiraan 53 billion oo foosto oo saliid qeyrin ah, wuxuuna sheegay inay kor u qaadi doonto kayda shidaalka ee Iran

“Waxaan u sheegayaa Aqalka Cad in maalmihii aad cunaqabteynta saarteen iibka shidaalka Iran, in shaqaalaha Iran iyo Injineeradduba ay awood u helaan inay daahfuraan 53 billion oo foosto ah oo saliid ah” Rohani ayaa sidaas sheegay.

Iran ayaa wajahaysa cunaqabateyn adag oo Maraykanku saaray, kaddib markii maamulka Donald Trump uu ka baxay sannadkii hore heshiiskii nukliyeeka ee u dhaxeeyay Iran iyo dalalka awoodda leh.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More