Heemaal News Network
somali

Ruushka Ayaa Khatar Wayn Nagu Haya

Iyadoo uu maalintii labaad socdo shirwayne ay isku yimadeen Waddamada ku bahoobay NATO, ayuu Xoghayaha Guud ee NATO Jens Stoltenberg sheegay in Ruushka uu Khatar aan la yareeysan Karin ku hayo waddamada NATO.

Jens Stoltenberg, ayaa tilmaamay in NATO, ay wajahayso caqabadii ugu weyneed tan iyo dagaalkii labaad ee aduunka, taasi oo kaga imaneeyso Ruushka.

“Waxaan si cad u adkeyn doonaa inta lagu jiro shir-madaxeedkan, dib u eegis ku saabsan qorshaha Isbaheysiga markii ugu horeysay, tan iyo 2010, madaama Ruushku uu khatar toos ah ku hayo NATO, taasi oo wiiqeeysa amnigeena,” ayuu yiri, Jens Stoltenberg, oo la hadlaayay Wakaaladda AFP.

Xoghayaha wuxuu sidoo kale shaaca ka qaaday inmaanta shirka laga soo saari doona go’aanno muhiim ah oo ku saabsan bariga iyo koonfurta NATO iyo sidkale la dagaalanka argagixisada.

Intii uu socday shirkan ayuu Turkiga soo jeediyay in dalaka Finland iyo Sweden, loo ogolaado in ay ku biraan isbaheysiga NATO, si wax looga badallo istiraatiijiyadda dagaalka Ruushka uu ku hayo danaha NATO.

Related posts

Foolkaano Mar-kale ka Qaraxday Bariga Congo.

Heemaall

Al-shabaab Oo soo Bandhigtay Hub iyo Gaadiid ay ku Qabsatay Dagaalkii Qaayib.(Sawiro)

Heemaall

Axmed Madoobe Oo War kasoo Saaray Dhameystirka Doorashadii ka Dhacday Ceelwaaq

Heemaall