Heemaal News Network
Soomaaliya

Ruushka: Dhaqtar Salaamay Madaxwayne Putin Oo Laga Helay Corona-virus.

Dhaqtar la kulamay todobaadkii hore Madaxwayne Putin waqti uu booqday cisbitaal lagu dabiibo dadka uu sooritay coronavirus oo ku yaala caasimada Moosko ayaa laga helay caabuqa covid-19.

Cisbitaalkan oo lagu magacaabo Kummunarka ayaa intii uu Madaxwayne Putin ku suganaa waxa gacan qaaday Dr. Denis Protsenko oo aan gacmaha gashanayn wax galoofis ah, isla markaana faahfaahin ka siiyay xaalka bukaanka iyo guud ahaa cisbitaalka.

Aqalka Kriemlin-ka ee Ruushka looga arimiyo ayaa sheegay in Madaxwayne Putin si joogto ah baadhitaan loogu sameeyo xaalkuna uu yahay mid wanaagsan sida ay warisay warbaahinta RIA ee dalkaasi Ruushka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More