Heemaal News Network
Caalamka

Ruushka Oo Ganaax Lacageed Saaray Shirkada Facebook Oo Ay Maalmahan Dambe Isla Cakiran Yihiin

Maxkamad ku taal Ruushka ayaa xukun ganaax ah ku riday shirkada way ee maamusha barta ay bulshadu ku xidhiidho ee Facebook, waxana ay ku xukuntay inay bixiso lacag ganaax ah oo dhan 4 million oo lacagta Ruushka ee looyaqaan rouble-ka ah, taas oo u dhiganta $63 kun oo doolarka maraykanka ah, kadib markii lagu helay dambi ah inay ku guul daraysatay inay u hogaansanto xeerarka xog-ta ee dalka Ruushka.

Maxkamadan oo fadhigeedu yahay degmada Tagansky ee magaalada Moscow ayaa ganaaxan ay saartay Facebook jawaab uga dhigtay kadib markii shirkadaas ay ay diiday in xog-kaydiya—server—lagu hayo macluumaadka macaamiisha shirkada ee Raashiyaanka ah ay xaruntiisa soo dhigto gudaha dalka Ruushka.

Ganaaxan ayaa la mid ah ganaax ay maxkamadan hore u saartay shirkada kale ee Twitter oo iyaduna u hogaansami wayday xeerkan ku amraya in xog-kaydiyahooda macaamiisha Ruushka keenaan gudaha dalkaasi.

Si kastaba ha ahaatee, ganaaxan ka yimid dhinaca Ruushka ayaa waxa uu ku soo beegmayaa waqti ay xiisad ka dhex aloosan tahay Ruushka iyo Shirkada Facebook oo maalintii shalay hawada ka saartay wax ay ugu yeedhay cinwaano been abuur ah oo sirdoonka Milatariga Ruushku ay u isticmaalayeen khal-khal galinta xasiloonida Ukraine iyo dalal kale oo ku yaala bariga qaarada Yurub.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More