Heemaal News Network
somali

Ruushka Oo ku Fashilmay Inuu Dagaal kula Wareego Magaalada Kharkiv Ee Ukraine

Ukraine waxay u badan tahay inay ku guulaysatay dagaalka Kharkiv – sida laga soo xigtay Machadka Daraasaadka Dagaalka.

Qiimeyntii ugu dambeysay ee ay ku sameysay iskahorimaadka, falanqeeyayaasha millatariga ee la ixtiraamo ayaa sheegaya in Ruushka laga hor istaagay in uu ku hareereeyo magaalada labaad ee Ukraine oo uu hadda ka tanaasulay isku daygii uu ku doonayay.

Kharkiv, oo ku taal waqooyi bari, waxaa mararka qaarkood loogu yeeraa magaalo qalcad ah. Dagaalkan, waxay ku kasbatay magacaas.

Tan iyo markii uu bilowday duulaanka, qabashada waxa ay aheyd ujeedo istiraatiiji ah oo muhiim ah oo ay lahaayeen ciidamada Ruushka.

Laakiin in ka badan laba bilood, ma aha oo kaliya inay ku guuldareysteen inay sidaas sameeyaan – laakiin sida laga soo xigtay hay’adda cilmi-baarista ee fadhigeedu yahay Mareykanka – waxay ka tanaasuleen isku dayga dhammaantood.

Related posts

Xisbiga Wadani Oo Xukuumada Biixi ka Dalbaday In Xog Laga Siiyo Dilalka Laascaanood ka Dhaca.

Heemaall

Wasiirka Cadaaladda Oo ku Qaabilay Muqdisho Wafdi ka Socday Dawladda Turkiga

Heemaall

Dhalinyaro ah Oo Safaf Dheer Ugu jira in la Qoro Ciidamada ka Dhanka ah TPLF

Heemaall