Heemaal News Network
somali

Ruushka Oo Ku Goodiyey In Uu La Dagaalami Doono Ukraine

Sarkaal sare oo u dhashay dalka Ruush ah ayaa ka digay in Moscow ay soo faragalin karto si ay u caawiso dadka ku hadla afka Ruushka ee ku sugan bariga Ukraine haddii Ukraine ay weerar ku qaaddo kooxaha gooni u goosadka ah ee halkaas jooga

Falaagada gooni u goosadka ah ee uu taageero Ruushku iyo ciidamada Ukraine ayaa isku hor fadhiya bariga wadankaas

Ruushka sidoo kale wuxuu dhisayay ciidamadiisa xadka uu la wadaago Ukraine.

Sarkaalkaan oo lagu magacaabo Dmitry Kozak ayaa sheegay in ciidamada Ruushka ay soo fara gelin karaan si ay u “difaacaan” muwaadiniintooda.
Wax walba waxay ku xiranyihiin baaxada tallaabada laqaado, ayuu yiri.

Wuxuu sidoo kale ka digay in xiisadda sii kordhaysa ay calaamad u noqon karto “bilowga dhamaadka” Ukraine ,

Mareykanka iyo Jarmalka ayaa labaduba walaac ka muujiyey kororka xiisadaha halkaa ka jira.

Related posts

Siyaasi Cabdiraxman Cadami Oo ku Taliyay In la Toogto Wariye Coldoon.

Heemaall

Maxay ka Wada-hadleen Somaliya Iyo Midawga Yurub.?

Heemaall

Yahuuda Oo Duqeyn ku Dishay Dad U Badan Caruur.

Heemaall