Heemaal News Network

Ruushka: “Siyaadii Cuqdada Iyo Aargoosiga Ku Dhisnayd Ee Obama Ayuu Soo Wadaa Biden”

Wasiirka Arimaha Dibada ee Ruushka Sergey Lavrov ayaa sheegay inuu rumeysan yahay in siyaasada arimaha dibada ee Mareykanka ee uu hogaaminayo Joe Biden ay lamid noqon doonto tii madaxweyne Barack Obama, gaar ahaan arinta Iran iyo isbadalka cimilada.

Lavrov ayaa sanadkii 2017 ku tilmaamay maamulkii madaxweynihii hore inuu ahaaa mid “cuqdad iyo aargoosi” u taagnaa, Waxay markan bam dhex-dhigeen xiriirka Mareykanka iyo Ruushka. Arintaasna ma ahayn mid aan ka filayay nin ku guulaysatay abaalmarinta Nobel Peace Prize. ”

In kasta oo Moscow ay wali aamusan tahay mawqifkeeda ku aadan Madaxtinimada Maraykankana uu yahay mid aan wali cadayn ayaa haddana waxaa jiray tilmaamo ku saabsan aragtida Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ee Trump iyo Biden oo soo ifbaxay, waxana ay ahayd horaantii Oktoobar, markii uu Madxwayne Putin xusay inay jiraan “hadalo-naceyb ah ee ka dhanka ah Ruushka” ee ka imanaya Biden, wuxuuna sheegay in Moscow ay la shaqeyn doonto hogaamiye kasta oo Mareykan ah laakiin wuxuu amaanay Trump oo sheegay inuu doonayo xiriir wanaagsan.

Si kastaba ha ahaatee waxa xusid mudan in la sheego in xiriirka Mareykanka iyo Ruushka ee xilligii Obama ayaa ahaa mid xun, waxana ugu wacanaa cunaqabateyntii Mareykanka uu saaray Ruushka sababo la xiriira ku biiridii Jasiiradda Crimean ee Ukraine.

Related posts

Xubno Cusub Oo ku Biiray Shirka Musharaxiinta Oo Maalintii Labaad Galay.

Heemaall

Xulka Awdal Oo ka Dareen-celiyay Ciyaarta ay la Leeyihiin Dhigooda Hargasay.

Heemaall

Xisbiga UCID Oo Ka Hor-yimid Go’aankii Wasaaradda Warfafinta Dul-dhigtay Warbaahinta Somaliland.

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More