Heemaal News Network

RW Abiy Ahmed Oo ka Hadlay Guusha Ciidamadiisu ku Qabsadeen Makelle.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed oo bartiisa Facebook-ga soo dhigay qoraal ayaa sheegay inay ciidanka dowladdu si buuxda la wareegen Magaalada Makelle ee caasimada Gobolka Tigree-ga, kaddib dagaal cir iyo dhul ah oo ay maanta qaadeen.

Ciidanka ayuu sheegay iney la wareegeen goobaha muhiimka ah ee danta guud sida garoonka diyaaradaha iyo xafiisyada heyadaha dowladda.

Abiy ayaa sheegay inuu soo gebagabeeyay qorshe lagu doonayay in lagu kala gooyo Itoobiya, kaasoo uu xusay inay soo abaabuleen kooxo tiro yar oo ay hoggaaminayso kooxda TPLF.

“Ciidamadu Qaranku waxay haatan magaalada Makelle gudaheeda ka raadinayaan dembiilayaashii kooxda TPLF, si loo soo qabto sharcigana loo horkeeno” ayuu yiri Raisul Wasaaraha.

Haddii dhab noqoto qabashada magaalada Makelle waxay noqon doontaa guul muhiim ah oo u soo hoyatay dowlada Itoobiya, inkastoo dad badan ay qabaan in dagaalku uusan halkaas ku dhamaan doonin, xoogagii TPLF ee laga adkaadayna ay bilaabo doonaan dagaal jabhadeyn ah oo daba dheeraada.

Related posts

Xildhibaanadii Xasaanada Laga Qaaday Ee Puntland Oo Dacwad U Gudbiyay Beesha Caalamka iyo ICJ.

Heemaall

Gudoonka Golaha Shacabka Oo Caawa ka Qaybgalay Shirka Musharaxiinta.(Sawirro)

Heemaall

Qatar Oo Waqti-denbe kasoo Horjeesatay Xiriirka Israa’iil Iyo Dalalka Carbeed.

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More