Heemaal News Network

RW Abiy Axmed Oo Madaxweyne KMG ah U Magacaabay Gobolka Tigreega

Raysal Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, ayaa madaxweyne Ku-meel-gaadh ah u magacaabay Ismaamulka Tigreega ee woqooyiga dalkaas.

Madaxweynaha cusub oo lagu magacaabo, Dr. Mulu Nega, ayaa soo dhisaya xukuumad ku-meel gaadh ah.

Baarlamanka Itoobiya ayaa dhawaan qaraar ku kala diray Ismaamulka Tigreega; markii uu bilowday dagaalka u dhexeeya iyaga iyo xukuumadda Abiy Axmed.

Xildhibaanada ka tirsan Aqalka golaha wakiilada ee Itoobiya ayaa ansixiyay in xasaanadda lagala noqdo 39 saraakiil ah oo ka tirsan maamulka Tigray kaddib codsi kasoo baxay xafiiska xeer ilaaliyaha guud.

Waxaana kamid aha madaxdan xasaanadda laga qaaday madaxweynaha Tigray, Debretsion Gebremichael iyo saraakiisha kala ah, Abay Tsehaye, Amb Addisalem Balema, Getachew Reda, Atsebeha Aregawi, Gebregziabher Araya iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan TPLF.

Related posts

Jabuuti Iyo Itoobiya Oo Balan-qaaday Inay Somaliland ka Caawinayaan Dagaalanka Ayaxa

Heemaall

Boqorka Sacuudiga Oo Ku Baaqay In Lagu Duulo Iiraan

Heemaal

Dawladda Oo ku Baaqday in la Joojiyo Colaad Beeleedyada ka Socda Gobolka Mudug

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More