Heemaal News Network

RW Mahdi Guuleed Oo Jawaab ka Bixiyay Qoraal Musharaxiin kasoo Saareen Doorashada.

RW ku-xigeenka Somalia Mahdi Maxamuud Guuleed khadar ayaa si kulul uga jawaabay qoraal ay maanta wadajir u soo saareen musharaxiin badan oo u taagan doorashada Madaxweynaha Somalia.

Musharaxiinta ayaa ka soo horjeestay guddiyada doorashooyinka heer federaal ee uu magacaabay raisul wasaare rooble oo ay sheegeen in lagu soo daray saraakiil ka tirsan ciidanka amaanka iyo xubno ka tirsan ololaha doorashada Madaxweyne Farmaajo.

Mahdi Guuleed oo qoraal soo dhigay bartiisa facebook ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay qoraalka ay soo saareen musharaxiinta oo sida uu sheegay ay a muuqato kalsooni daro, quus iyo niyad.

Hoos ka akhriso qoraalka RW ku xigeenka oo dhameystiran.

Waxa aan aad ula yaabay qoraal sida la sheegay ka soo baxay mas’uuliyiin ku isman murashaxiinta Madaxweynaha ee doorashada 2020/21. Qoraalkaas oo lagu duraayo Guddiyada Doorashooyinka, waxaa ka muuqday kalsooni-darro, quus iyo niyadjab.

Waxa aan garan waayay faraqa u dhaxeeya Guddigii Doorashada heer Federaal iyo Somaliland ee 2016 iyo kuwa 2020 oo ay labadaba kasoo dhex muuqdeen wiilal iyo gabdho Soomaaliyeed oo labada xafiis u kala shaqayn jiray ama shaqeeya.

Miyaanu arrinku ahayn “Hal” diiddani geed ay ku xoqoto ma waydo? Mise waa hawraartii Soomaaliyeed ee marka “Geela” loo heeso uu raggu “Gorayada” u heesi jiray?

“Wallee ina ragow talo adduun, taada uun ma’ aha”

Mahdi Maxamuud Guuleed

Related posts

Bin Salman oo U Hanjabay Kooxo Uu ku Tilmaamay Cadawga Sacuudiga.

Heemaall

Midowga Yurub Iyo Dawlada Somaliya Oo kala Saxiixday Heshiis Gaaraya 98 Milyan Oo Euro.(Sawirro)

Heemaall

Cali Guudlaawe Oo Beeniyay In Dawlada Dhexe Faragalisay Doorashadii loo Doortay Hireshabele.

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More