Heemaal News Network
somali

RW Rooble Iyo Wafdi Uu Horkacayo Oo U Anbabaxay Dalka Jabuuti Iyo Ujeeda Safarkiisa.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Somalia Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goor dhow ka ambabaxay garoonka dayuuradaha ee magaalada Muqdisho.

Wafdigan ayaa ku sii jeeda dalka Jabuuti oo ay uga qayb galayaan caleemo-saarka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo dhowaan markii shanaad loo doortay xilka sida lagu sheegay qoraal kooban oo ka soo baxay xafiiska RW Rooble.

Wafdiga RW Rooble oo ay ka mid yihiin Wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan DF ayaa inta ay joogaan Jabuuti waxay kulamo la qaadan doonaan madaxda dalkaas iyo hogaamiyeyaasha Afrika ee lagu casuumay caleemo saarka.

Rooble iyo wafdi la socda ayaa maalmo ka hor ka soo laabtay safar cumro ah oo ay ku tageen dalka Sacuudiga, waxaana safarka Jabuuti uu noqonayaa kii labaad ee uu dibeda ku aado bil gudaheed.

Related posts

Biden Oo Qorsheynaya Tallaabo Dib U Kicin-karta Xiisadda Turkey iyo Mareykanka.

Heemaall

Amaro Culus Oo ka Dhan ah Hubka Oo Lagu soo Rogay Hirshabeele.

Heemaall

Wasiir Saajin Oo Ka Hadlay Qaabka loo Xulay Murashaxiinta X/Kulmiye Ee Awdal Iyo Salal

Heemaall