Heemaal News Network
somali

RW Rooble Iyo xubno kale Oo Banaanka Madaxtooyada ku Daawanaya Go’aanka Badda.(Sawiro)

Raisul Wasaaraha Xukuumada Somalia iyo xubno ka tirsan Golihiisa Wasiirada ayaa toos ugu daawanaya barxad ku taalla Vila Somalia ku dhawaaqida Maxkamada ICJ ee go’aanka Badda.

Kuraas fara badan ayaa la dhigay barxada sidoo kale waxaa goobta yaalla telefishin weyn oo toos looga daawanayo go’aanka badda.

Madaxweyne Farmaajo iyo xubnaha taageersan ayaan ku sugneyn goobtaas.

Dhinaca kale, xubnaha Midowga musharaxiinta ayaa iyana intooda badan waxay dacwada Toos uga daawanayaan Hotelka Jazeera ee ku dhow garoonka Aadan cadde.

Xubnaha halkaas ku sugan waxaa ka mid ah Madaxweynayaashii hore ee dalka Xassan Shiikh iyo Shiikh Shariif, hogaamiyaha Xisbiga Wadajir C/raxmaan C/shakuur iyo qaar kale.

Related posts

Israsaasayn Sababtay Dhimasho Iyo Dhaawac Oo ka Dhacday Gobolka Sool.

Heemaall

Daawo Caruur Xaflad Dhalasho Lahayd Oo Uu Yaxaas Ka Carqaladeeyey

Heemaal

Puntland Oo Deeganadeeda Mamnuucday Dadka ka Imaanaya Hindiya.

Heemaall