Heemaal News Network
somali

RW Rooble Oo Amaro Duldhigay Gudida Doorashada BFS

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadsa xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan la qaatay Guddoomiyaha Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal Maxamed Xasan Cirro.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa Guddoomiye cirro kala hadlay toosinta iyo hufnaanta doorashada Golaha Shacabka ee BFS iyo xaqiijinta in aan cidna lugu xadgudbin.

Guddoomiyaha Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal Maxamed Xasan Cirro ayaa ra’iisul Wasaaraha siiyay warbixin la xiriirta habka ay u socdaan doorashooyinka Golaha Shacabka, isaga oo u cadeeyay in ay si huufan u qabanayaan doorashooyinka..

Kulanka Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Guddoomiyaha Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal Maxamed Xasan Cirro ayaa kusoo beegmaya xilli xubno u badan musharrixiinta Madaxweynaha ay walaac ka muujinayeen sida ay ku socdaan doorashooyinka, iyaga oo ku dhaliilay Ra’iisul Wasaaraha.

Related posts

Madaxweynaha Jubbaland Oo Baaq U Diray Beesha Caalamka.

Heemaall

Maraykanka Iyo Britain Oo Digniin Adag Udiray Milateriga Afgembiga ku Qabsaday Sudan

Heemaall

Sirdoonka Imaaraadka Oo Heshiisyo la Saxiixday Somaliya.

Heemaall