Heemaal News Network

RW Rooble Oo Amray in Deg-deg loo Furo Wadooyinka Dabka Ee Xiran.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa amar ku bixiyay in si deg deg ah loo furo wadada dabka oo xalay hay’adaha Amniga Soomaaliya ay dhagxaan waaweyn ku xireen.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahad celiyay Shacabka muqdisho sida ay ugu dulqaateen xirnaanshadah wadada oo halbowle u ah isku socodka dadka iyo Gaadiidka.

“Waxaan faray hay’adaha amniga in ay deg deg u furaan waddada Dabka oo halbowle u ah isu socodka shacabka iyo ganacsiga caasimadda.. Shacabka Muqdisho waxaan uga mahadcelinayaa dulqaadkooda, waxaanna ka codsanayaa in ay laamaha amniga ku gacansiiyaan sugidda nabadgelyada ayuu yiri” RW Rooble.

Xirnaanshaha wadada Isgoyska dabka ee dhagxaanta waaweyn lagu jaray ayaa waxaa ay ka dambeysay kadib markii Gaari NOHA ah oo si xowli ah wadadaas uga soo gudbay uu ku qarxay Barta-koontorool eek u taal Isgoyska Sayidka ee magaalada muqdisho.

Related posts

Dawladda Oo ku Baaqday in la Joojiyo Colaad Beeleedyada ka Socda Gobolka Mudug

Heemaall

Talyaha Ciidanka Lugta Ee Somaliya Oo ka Hadley Khasaaraha Dagaalkii ka Dhacay Balad-xaawo

Heemaall

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Oo ka Qeyb-galay Aaska Masuuliyiintii Lagu Dilay Garasbaaley.(Sawirro)

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More