Heemaal News Network

RW Rooble Oo Amray In Deg-deg Loosoo Qabto Dadkii ka Danbeeyay Dilka Saraakiisha

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xusseen Rooble ayaa isaga oo ku sugan magaalada Dhuusa-Mareeb ee gobolka Galguduud amar ku bixiyay in deg deg loo soo qabto dadkii ka danbeeyay dilka saraakiishii dhawaan lagu laayay waddada isku xirta degmooyinka Guri-ceel iyo Ballanbale.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa sheegay in dadka falkaasi ka danbeeyay ahaayeen kuwo arxan -laawayaal ah, isaga oo amaray laamaha nabad-galyada Galmudug in ay deg deg u soo qabtaan si sharciga loo horkeeno.

War hor dhac ah oo ay soo saareen guddi ay dhawaan Galmudug baaritaanka arintan u saartay waxaa ay ku sheegeen in ay qabteen dad lagu tuhusan yahay in ay ku lug lahaayeen weerarka lagu dilay saraakiisha, balse wali baaritaan lagu hayo.

Sababta toogashada saraakiisha ayaa lagu sheegay in ay la xiriirto aano qabiil, hasse ahaatee waxaa arintaa ka hor yimid taliska ciidanka militariga oo mas’uuliyada weerarkaa dusha uga tuuray wax ay ugu yeereen argagixisada.

Related posts

R/W Rooble Oo Hay’adaha Ambiga ku Amray Wax ka Qabashada Dilkii Gudoomiyihii Hodan.

Heemaall

Somaliland Oo Diiday Inay Dib U Noqdaan Arday Wax Uga Baran Jiray Gobolka Tigreega

Heemaall

Haweenay Wacad ku Martay Inay Bastooladeeda la Galeyso Kongareeska Mareykanka.

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More