Heemaal News Network

RW Rooble Oo Dalab Xaasaasi ah Hordhigay Ganacsatada Muqdisho.(Sawiro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa kala hadlay ganacsatada Soomaaliyeed in aysan shacabka ku qaaliyeyn maciishadda iyo waxyaabaha daruuriga u ah nolosha bulshada xilligan dalku wajahayo laba kacleynta xanuunka COVID-19.

Rooble ayaa dowladdu u sameyneyso ganacsatada canshuur dhaaf badeecooyinka daruuriga ah.

Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed Maxamuud Cabdi Cali Gabeyre, ayaa sheegay in ganacsatadu ay diyaar u yihiin in ay dowladda kala shaqeeyaan xakameynta xanuunkan, dowladduna uga mahadceliyay u heellanaanta codsiyadii ganacsatada ee la xiriiray in badeecooyinka qaar canshuur dhaaf loo sameeyo.

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda JFS Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in sheegay in kulanka Ra’iisul Wasaaruhu la qaatay ganacsatada la iskula afgartay in ganacsatadu doorkooda ka qaataan la tacaalidda xanuunka COVID-19.

Related posts

Ra’isul Wasaare Rooble Oo Galabta U Damaashaad Tagay Xeebta Liido (Sawirro)

Heemaall

Xeer ilalaliyaha Somaliya Oo soo Gabagabeeyay Dacwad loo Haysto Hay’adda Cilmi Baarista Sahan

Heemaall

Bulshada Rayidka Oo Qodobo Xaasaasi ah kasoo Saaray Fashilka Shirkii Dhuusamareeb.(Akhriso)

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More