Heemaal News Network

RW Rooble Oo Golaha Shacabka Bari la Hortagaya Qorshe Muddo Kordhin iyo Nooc Doorasho cusub

Ra’iisul Wasaaraha Somalia Maxamed Rooble oo lagu wado inuu berri Baarlamaanka hor tago ayaa damacsan inuu soo jeediyo dalabyo cusub oo ay ka mid yihiin in lagu laabto hannaankii doorashada hal deegaan doorasho iyo liiska xiran si loo qabto doorasho qof iyo cod ah, iyo codsi muddo kordhin labo sano ah.

Xildhibaannada labada aqal ee mucaaradka oo gaaraya ku dhowaad 100 qof ayaa ku dhawaaqay Kutlada Badbaado Qaran, kuwaasoo wada abaabul ka dhan ah qorshahaas la sheegayo in Ra’iisul Wasaaraha la iman doono Baarlamaanka.

Xildhibaannadan oo haatan shir uga socdo Hotel Jazeera ayaa ka arrinsanaya qorshaha la sheegay in berri Ra’iisul Wasaare Rooble la imaan rabo Baarlamaanka.

Ajendaha kulanka baarlamanka ee berri kuma jirto muddo kordhin, balse warar la halayo ayaa sheegaya in la doonayo in lagu soo geliyo qaab deg deg ah, kadibna lagu meel-mariyo gacan taag.

Talaabadan ayaa waxaa sidoo kale ka war helay beesha caalamka oo hadda ka hor marar badan ka digtay inaan la aqbali doonin in dhinacyada siyaasada ay qaataan go’aano dhinac ah oo aysan la qabin dhinacyada kale.

Dhanka kale Beesha Caalamka ayaa dhawr jeer ku baaqday inay madaxda siyaasadda isku yimaadaan si ay ugu heshiiyaan arrimaha doorashada.

Related posts

Banaanbax Rabshado Wata Oo Ka Dhacay Baladwayne (SAWIRO)

Heemaall

Jabuuti Oo Wafdi Xaqiiqo Raadin ah U Diray Xiisada Xadka Somaliya iyo Kenya ka Taagan.

Heemaall

Toos U Daawo Ciyaarta Sool Iyo Dhaadmadheedh.

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More