Heemaal News Network

RW Rooble Oo Kormeer Hubin ah ku Sameeyay Shirkada Maamulsha Dekedda Muqdisho(Sawiro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa kormeeray qeybaha kala duwan ee Dekedda Muqdisho oo kamid ah ilaha muhiimka ah ee dhaqaalaha dalka.

Ujeedka kormeerka ayaa ahaa sidii loo hubin lahaa adeegyada ay shacabka Soomaaliyeed u hayso dekeddu iyo in qiimeyn lagu sameeyo dhaqan galka heshiiskii lagu horumarinayay dekedda ee dhowaan ay kala saxiixdeen Dowladda Federaalka iyo Shirkadda Alberak .

Ra’iisul Wasaaraha ayaa warbixinno la xiriira howllaha socda ka dhageystay Wasaaradda iyo maamulka dekedda, waxayna warbixin guud ka dhiibeen adeegyada ay bulshada u hayaan, gaar ahaan isbadallada horumarineed ee qeybaha dekedda lagu sameynayo.

Eng. Rooble ayaa soo indha-indheeyey qeybaha kala duwan ee dekedda, waxuna boggaadiyey shaqada socota ee loogu adeegayo shacabka Soomaaliyeed, isagoo kula dardaarmay in la sii dardargeliyo.

Kormeerka ayaa waxaa ku weheliyey Ra’iisul Wasaaraha, Wasiirro ka tirsan Xukuumadda iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed Filish.

Related posts

Wasiir Maxamed Kaahin Oo Ka Hadlay Diiwaan Galinta ka Socota Gobolada Sool Iyo Sanaag.

Heemaall

Dawlada Oo Diiday Qabsoomida Shir ay Muqdisho ku Lahaayeen Odayaasha Beelaha Hawiye

Heemaall

Komishanka Doorashooyinka Oo kala Diray Shaqaalihii Wacyigalinta Berbera

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More