Heemaal News Network
somali

RW Rooble Oo Ku Celiyay Inay Ka Go’an Tahay Doorasho Dalku Aado

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa shaaca ka qaaday in Xukuumadda ay u diyaar garowday qabsoomidda shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee dhameystirka arrimaha doorashooyinka.

Ra’iisul Wasaare Rooble oo rajo wanaagsan ka muujiyay shirka, ayaa hoosta ka xariiqay inay ka go’antahay fududeynta waxkasta oo horseedi kara in uu shirka guuleysto.

“Waxaan rajeynayaa in Shirka Golaha Wadatashiga Qaran guul noogu soo dhammaado si dalkeennu doorasho u aado”.ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Rooble.

“Siyaasiyiinta iyo shacabka Soomaaliyeed waxaan uga mahadcelinayaa taageeradooda dadaallada aan wadno, waxaan ka codsanayaa garab istaag. Waxaan Eebbe ka baryayaa in uu noo fududeeyo.” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Dalka.

Related posts

Siyaasiyiinta Somaliland Ee Garabka Cabdi Xaashi Oo Eedeeyay RW Rooble.

Heemaall

Xasan Sheekh Oo Sheegay In Mukhtaar Roobow Afduub loo Haysto

Heemaall

Xisbiga Shaqaalaha Ingiriiska Oo Loo Xoog Sheegatay Iyo Soomali Ku Soo Baxday Doorashada

Heemaal