Heemaal News Network
somali

RW Rooble Oo Magacaabay Agaasimayaal Guud.

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Xilgaarsiinta Federaalka Soomaaliya Maxamwd Xuseen Rooble ayaa wareegta kasoo baxday waxaa uu Agaasimayaal cusub u kala magacaabay wasaaradaha Gaashaandhiga iyo Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada.

Wareegtada xafiiska Rooble ka soo baxday ayaa lagu sheegay in Agaasimaha Guud loo magacaabay ee Wasaarada Gaashaandhiga Xasan Maxamed Saciid Samatar, Halka Cabdinaasir Mukhtaar isna loo magacaabay Agasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeel Bulshada.

Masuuliyiintaan Cusub ayaa la filayaa in ay dhawaan la wareegaan shaqada loo igmaday ee Wasaaraddaha Gaashaandhiga iyo Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada.

Magacaabista xubnahaan ayaa imaaneysa, kadib markii uu shalay Rooble uu sheegay in golihiisa Wasiirada iyo hey’adaha kale duwan ee dowladda uu ka joojiyay magaaacista xilalka iyo in ay gaaran go’aan uu isagu ogeyn.

Related posts

Gaalkacyo: Nin Horay dad Shacab Ah U Laayey Oo Si kadis Ah Loo Qabtay

Heemaal

Dabaaldegyo Caawa ka Bilowday Caaasimada Gobolka Tigrey Ee Makelle (Sawiro)

Heemaall

Xildhibaan Xaashi Abiib-ka loo Doortay Baarlamanka Somaliya Oo Eedeeyay Wasiir Beyle.

Heemaall