Heemaal News Network

RW Rooble Oo Madaxda Warbaahinta kala Hadlay Doorashada Iyo Xiliga kala Guurka(Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo kulan la qaatay Madaxda Warbaahinta ayaa adkeeyey muhiimadda ay leeyihiin xiligan dalku ku jiro Doorashooyinka, isagoo ku booriyey in ay xoojiyaan doorkooda wacyiginta bulshada.

Kulankan inta uu socday, ayaa la iska xog wareystay xaaladaha dalka ee xiliga kala guurka, waxuna Ra’iisul Wasaaruhu sheegay in saxaafaddu ay tahay il muhiim ah oo door wanaagsan ka qaadan karta sidii dalka ay uga dhici lahayd doorasho huffan.

Eng. Rooble aya tilmaamay in Warbaahinta Soomaaliyeed ay kaalin mugleh ka soo qaateen horumarka dalka, gaar ahaan xiliyadii adkaa, isla markaana looga baahan yahay in ay sii xoojiyaan kaaluntooda.

“Waxaan idinkaga mahadcelinayaa kaalinta muhiimka ah ee aad ka soo qaadateen horumarka dalka, gaar ahaan wacyigelinta bulshada, hadana waxaa idinka rabaa sidii aad doorkiina uga qaadan lahaydeen doorashooyinka dalka ka dhacaya”.

Madaxda Warbaahinta ayaa uga mahadceliyey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda kulanka iyo isxogwareysiga, waxayna xuseen in ay sii xoojin doonaan wacyigelinta bulshada.

Related posts

Awdal: Shaqaalaha Talaalka Wasaarada Caafimaadka Oo Ka Guuxaya Gunooyin Mudo Ka Maqan.

Heemaall

Masuuliyiin Isku Dilaya Lacagtii Cashuurta Ee Laga Ururiyey Shacabka Gobolka Hiiraan

Heemaal

Taageerayshii Trump Oo Weeraray Masjidka Akram Juma Ee Dalka Canada

Heemaal

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More