Heemaal News Network

Sacuudiga iyo Qatar Oo Heshiis Hordhac ah ka Gaaraya Khilaafii Mudada U Dhaxeeyay.

Dalalka Qatar iyo Sacuudi Carabiya ayaa ku dhow inay gaaraan heshiis hordhac ah, si loo soo dhameeyo muranka ka jira dalalka deriska ee Gacanka oo soo jiitamaayey muddo ka badan saddex sano,sida laga soo xigtay ilo wareedyo la xiriirayWarbaahinta Al Jazeera.

Heshiiskaan la rajeynayo ayaa yimid ka dib markii la taliyaha madaxweynaha Mareykanka Donald Trump Jared Kushner uu la kulmay Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudiga Amiir Maxamed bin Salmaan iyo Amiirka Qatar, Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani.

Tallaabadaan ayaa lagu macneeyay isku daygii ugu dambeeyay ee maamulka Mareykanka uu qaadayo, ka hor inta uusan maamulka Trump xafiiska ka tagin bisha Janaayo.

saraakiil Mareykan ah ayaa sheegaya in muhiimadda ugu weyn ee wadahadalaa uu yahay xallinta muranka ka dhashay ogolaanshaha in diyaaradaha Qadar ay maraan hawada Sacuudiga iyo Imaaraadka (UAE).

Related posts

Dhalinyarada Xaq U Dirirka Awdal Oo ku Baaqay In la Qaadaco Diwaan-galinta Codbixiyayaasha.

Heemaall

Alshabaab Oo Ka Fulisay Gudaha Kenya

Heemaall

Prof Dalxa Oo Ka Hadlay Xudunta Khilaafka Siyaasiga Ee ka Taagan Somaliya

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More