Sacuudiga Oo Ku Gacan Saydhay Dalbkii Turkiga Dhaliilayna Wadamo Ka Mid Ah Caalmka

Wasiirka Arimaha dibeda sacuudiga mr Adel al-Jubeir ayaa gaashaan ka u daruuray dalabka ka soo yeeray dowlada turkiga oo ahaa in loo gacan galiyo la tuhmayaasha sacuudiga hayo ee lagu eedeyay in ay qeyb ka yihiin dilkii wariye Jamal Khashoggi.

Mr Jubeir ayaa dhanka kale canbaarayey wadamada caalamka qaarkood qaabka ay uga hadleen wariyahan lagu dilay gudaha qunsuliyada sacuudiga ee magaalada Istanbul.
Waxaa uu sheegay in baaritaanada lagu hayo 18-ka la tuhme ee loo hayo falkaan uu ka socdo sacuudiga ayna waqti qaadaneyso in la ogaado qaabka ay wax u dhaceen.

Adel al-Jubeir ayaa dhanka kale sheegay in boqortooyada ay ka go’an tahay maxkamadeynta kuwii mas’uulka ka ahaa dilka Jamal ,iyadoo loo marayo qaab cadaalad iyo sinaan ay ku dheehan tahay.

Xilli uu ka jawaabayay su’aalo ay saxafiyiinta ku weydiyeen shirka gobolka ee ka socda dalka Bahreyn ayaa waxaa uu sheegay in xiriirka u dhaxeeya sacuudiga iyo mareykanka uu yahay mid wanaagsan.

Xoghayaha gaashaandhiga mareykanka James Mattis,uu dhowaan sheegay dilka Jamal khashoggi uu dhibaato ku yahay amniga wadamada carbeed iyo kan gobolka.

Hadalka ka soo yeeray dowlada sacuudiga ayaa jawaab u ah baaq ka soo baxay madaxweynaha turkiga maalinkii talaadada kaasi oo ahaa in loo soo gacan galiyo 18-ka ruux ee u xiran sacuudiga ee lagu eedeyay dilka Jamal Khashoggi.