Heemaal News Network
somali

Sacuudiga Oo Qarxiyey Gantaalo Laga Soo Ganay Yaman

Mas’uuliyiinta dalka Sacuudi Carabiya ayaa sheegay inay ka hortageen saddex gantaal oo lala beegsaday magaalooyinka Najran iyo Jazan oo dhaca koonfurta iyo gobolka bari ee hodanka ku ah saliidda .

Isbahaysiga uu hoggaamiyo Sacuudigu ee dagaalka kula jira Xuutiyiinta Yemen ayaa ku eedeeyay in kooxdaasi oo ay taageeraan Iiraan ay ka dambeyeen gantaaladaasi oo ah nuuca Balistigga ah,hasa yeeshee ma jiraan cid sheegatay mas’uuliyadda weerarkaasi.

Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sheegtay in gantaal ku wajahnaa gobolka bari lagu qabtay magaalada Dammaam,isla markaana firirkisa uu geystay dhaawac soo gaaray laba caruur ah iyo burburka 14-guri,

Goor sii horreysay, isbahaysiga ayaa soo wariyay in ay ka-hortageen saddex diyaaradood oo laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa, kuna sii jeeday Sacuudi Carabiya.

Related posts

”Marnaba Ma Aqbalayo Natiijada Hordhaca Ee Gabilay” Murashax Maxamed Cabdi Cabdilaahi.

Heemaall

Farmaajo Oo si Wayn Loogu soo Dhaweeyay Dalka Uganda.(Sawiro)

Heemaall

Madaxwayne Cagjer Oo Ka Hadley Furtiaanka Wajiga 1aad Ee Dekada Berbera.

Heemaall