Sacuudiga Oo Ruushka ka Dalbaday Inuu ka Caawiyo Dagaalka Xuutiyiinta Yemen.

Sacuudi Carabiya ayaa weydiisatay Russia inay soo faro-geliyaan oo ay gacan ka gaystaan in laga hortago in magaalada istaraatiijiga ah ee Marib ay u gacan gasho kooxda Xuutiyiinta dalka Yemen, waxaa sidaas ku warramay wargeyska Al-Akhbar.

Ilo-wareedyo Wargeyska kasoo xigtay ayaa sheegay in wasiirka arrimaha dibedda Sacuudiga Faisal Bin Farhan uu taleefonka kula hadlay dhiggiisa Ruushka Sergey Lavrov, uuna ka codsaday inuu dhex-dhexaadiyo boqortooyada iyo Xuutiyiinta, si looga joojiyo inay qabsadaan magaalada Marib.

Xuutiyiinta ayaa laba bilood wada dagaal ay ku qabsanayaan Mari oo ah magaalo muhiim u ah dagaalka Yemen, sababtoo ah waxay saldhig u tahay calooshood u shaqeystayaasha u dagaalamaya xulufada Sacuudiga. Haddii magaalada laga qabsado Sacuudiga waxay la macno noqon doontaa in dagaalka Yemen looga adkaaday.

Ilo-wareedyada ayaa sharxay in sababta Sacuudiga ula hadlay Ruushka ay tahay in cadaadis la saaro Mareykanka oo iska indho tiryayey codsiga Sacuudiga ee ah inuu ka hortago in Xuutiyiintu qabsadaan magaalada Marib, ayada oo madaxweyne Trump uu ku mashquulsan yahay ololaha doorashada bisha November.

Trump ayaa sidoo kale horey ugu adeegsaday ku lug lahaanshaha Ruushka ee arrimaha Bariga Dhexe inuu qiil ugu sameeyo inii sii wado hubka laga iibinayo Sacuudiga, oo kooxaha xuquuqda aadanaha ay ku eedeeyeen inay dambiyo dagaal galeen.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa sheegay in haddii Mareykanka uusan hub ka iibin boqortooyada ay u weecan doonto Shiinaha iyo Ruushka si ay hub uga iibiyaan, taasi oo Mareykanka aan faa’iido u ahayn.

Related posts

Zidan Oo Ku Goodiyey In Cinqaab Intan Ka Badan Marsiin Karayey Bacelona

Heemaal

Yahuudda Masar Oo Laga Mamnuucay Dabbaaldegyada Munaasibadaha Diiniga.

Heemaall

Xus Loogu Ducaynayay Dadkii Lagu Xasuuqay Qaraxii Zoobe Oo Lagu Qabtay Muqdisho.(Sawiro)

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Privacy & Cookies Policy