Heemaal News Network

Sacuudiga Oo Walaac Xoogan ka Muujiyay Daagaamaynta ay Bilowday Israel

Wasaaradda arrimaha dibedda Sacuudiga ayaa walaac qoto dheer ka muujisay tallaabo ay qaaday Israel oo deegaano hor leh ay uga sameyneyso magaalada Qudus.

Mas’uuliyiinta Israel ayaa ku casuumay qandaraaslayaasha inay u tartamaan dhismaha 1,257 guri oo cusub oo laga sameynayo meel u dhow Bariga Qudus.

Sacuudiga ayaa tallaabadan ku qeexay mid jebineysa qaraarada caalamiga ah.

“Wasaaradda waxay xaqiijineysaa in boqortooyada Sacuudiga ay cambaareyneyso islamarkaana diidan tahay tallaabadan, oo jebineysa qaraarada caalamiga ah,” ayaa lagu yiri bayaan ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibedda.

Israel ayaa Axaddii u dhaqaaqday qorshe deegaameyn ah, taasi oo lagu qeexay mid la dedejinayo, kahor inta uusan maamulka madaxweynaha la doortay ee Mareykanka ee Joe Biden uusan talada la wareegin, ayada oo laga cabsi qabo inuu ka hor-yimaado.

Dalalka Imaaraadka Carabta, Bahrain, iyo Sudan ayaa horraantii sanadkan heshiisyo ay xiriir diblomaasiyadeed kula yeelanayaan la galay Israel.

Riyadh ayaa ogolaatay xiriirada Imaaraadka iyo Bahrain, hase yeeshee waxay ka gaabsatay inay taageerto, ayada oo tusmeysay inaysan diyaar u ahayn inay qaado tallaabo ceynkaas ah.

Related posts

Gantaalo Lagu Weeraray Caasimada Amxaaradda Ee Bahirdar

Heemaal

Jamhuuriyiintii Oo Iska Fogoyeey Qorshaha Trump Kuna Jaahwareersan Falcelintiisa

Heemaal

Wasiir Bayle Oo Qabatay Kulan Looga Doodayay Doorka Ganacsatada Ee Hormarinta Dhaqaalaha.(Sawiro)

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More