Heemaal News Network
somali

Sacuudiga Oo War Cusub kasoo Saaray Haweenka soo Gudanaya Xajka

Boqortooyada Sucuudiga ayaa ku dhawaaqay in haweenku ay hadda wixii ka dambeeya ay si toosa u dalban karaan ama isu diiwaan gelin karaan xajka iyada oo aanu la soconin qof muxram u ah.

Warkan waxaa lagu sheegay qoraal ka soo baxay Wasaaradda Xajka iyo Cumrada ee Sucuudiga.

Tallaabadan ayaa qeyb ka ah isbedello uu Sacuudigu ku sameynayay xeerarkiisa dhinaca xuquuqda dumarka oo sanadahan dambe isbedelo waaweyn lagu sameynaayey.

Waxaa ka mid ah isbedeladaas in dumarku baasaboor qaadan karaan oo ay kaligood safri karaan, inay gawaarida kaxayn karaan iyo in loo ogolaado inay haweenku qaban karaan illaa heer jagooyin xafiisyada dowladda ah.

Related posts

Maxuu Maxamuud Xaashi ka Yiri Loolanka Loogu Jiro Shir Gudoonka Wakiilada.?

Heemaall

Go’aamo Laga soo Saaray Shirwaynaha Xisbiga Wadani.

Heemaall

Xasan Sheekh Iyo Rooble Oo ka Qeyb-galay Salaada Janaasada Marxuum Shirwac.(Sawiro)

Heemaall