Heemaal News Network
somali

Saddexda Dal ee Ay Ka Go’do Talada Yurub Oo Ka Hor Yimid Qorshaha Ruuxaani

Saddexda wadan ee reer Yurub ee saxeexay heshiiska Nukliyeerka Iran ayaa walaac xooggan ka muujiyay qorshayaasha tayeynta yuraaniyamka ee xukuumadda Tehran.

Bayaan ay si wada jir ah u soo saareen, Faransiiska, Jarmalka iyo Ingiriiska ayaa waxay ku sheegeen in uraniumka Iran la kordhiyo boqolkiiba lixdan ay tahay horumar halis ah.

Waxay sheegeen inaysan jirin sabab ay Iran ugu baahantahay inay kobciso uraniumkeeda. Madaxweynaha Iiraan, Xasan Ruuxaani, ayaa sheegay in go’aanka lagu kobcinayo barnaamijka tayeynta yuraaniyamkooda uu jawaab u ahaa weerar ay Israa’iil ku qaadday mid ka mid ah xarumaheeda nukliyeerka.

Iran ayaa sheegtay Talaadadii inay si weyn kor ugu qaadi doonto hanaanka tayeynta boqolkiiba lixdan. Sare u qaadiddan ayaa waxay aad uga sarreeysaa tii la isku raacay heshiiskii 2015-kii ee Niyukleerka Iran, inkastoo ay ka yartahay caddadii looga baahnaa in Bambo atomic ah lagu sameeyo.

Mdaxaweyne Xasan Rouhani ayaa sheegay in qaraxa lala beegsaday xarunta uu ahaa weerar Israel ay ka dambeeysay isla markaana Iran ay dib u tayayn doonto iyadoo adeegsanaysa qalab casri ah, si loo xoojiyo tayeynta uraniumka.

Related posts

Soomaliya Oo Kenya Ka Codsatay In Ay Soo Celiso Xidhiidhkii Dublamaasiyadeed

Heemaal

“Waxaa Cadaatay In Dhalinyaradii Loo Qaaday Eritrea Ka Dagaalameen Tigre” CC Shakuur.

Heemaall

Boqolaal Muslim Bangladesh Ah Oo Xabsiga Lagu Guray

Heemaal