Heemaal News Network
Soomaaliya

Safaaradaha Somaliya Ee Kenya Iyo India Oo ku Dhawaaqday Shaqo Joojin ka Dhalatay Cabsida Corona.

Safaaradda Soomaaliya ee Kenya ayaa waxay sheegtay inay joojinayso dhammaan shaqooyinkii ay u haysay muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Kenya.

Arintaan ayaa daba socota kadib markii Kenya ay mamnuucday dhamaan goobaha isku imaatinka dadweynaha sababo la xiriira faafitaanka coronavirus.

Kenya waxay haatan xaqiijisay 15 kiis oo ah COVID-19, waxaana badi safaaraddaha caalamka ee kuyaala Nairobi ayaa muwaadiniintooda u diray digniin ku saabsan cudurka Coranavirus.

Safaaradda Ingiriiska ee Kenya ayaa maanta shaacisay in ay muwaadiniintooda ka daabulanaysa Nairobi.

Dhinaca kale War ka soo baxay Safaaradda Soomaaliya ku leedahay Dalka Hindiya ayaa sheegaya in la hakiyo adeegyadii ay qaban jirtay safaaraddu laga bilaabo maanta oo ah Isniin Safaradda Soomaaliya ee dalka Hindiya, kadib amaro ka soo kala baxay dowaladaha Soomaaliya iyo Hindiya, kuwaas oo ku aadan xakameeynta xanuunka inta badan dunida ku baahay ee cornovirus covid19.

Safaradda ayaa sheegtay in ay u hogaansami doonto amarada dowlada aan martida u nahay ee Hindiya, si looga hortago xakamaynta cabuqa islamarkaana ay dadka Soomaaliyeed la wadaagi doono wixii soo kordha muddada ay Safaraddu xiran tahay, iyadoo lataliyaha labaad ee Safaaradda Soomaaliyeed ee dalka Hindiya Saliim Cabdullahi Cilmi oo guddoomiye ka ah guddi si dhaw ula socon doona haddii muwaadiniinta Soomaaliyeed ay ku timado arrin deg deg ah, kana jawaabi doona cabashooyinkooda, waxa ayna Safaaraddu sheegtay in ay si dhaw ula socon doonto xaaladda muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Dhanka kale Soomaalida ku dhaqan dalka Hindiya iyo kuwa u yimaada Caafimaadka, ganacsiga iyo Waxbarashada ayaa waxa saameeyay xanuunka corno virus oo kiisas badan ka mid ah ay ka jiraan dalka hindiya, guud ma jiraan goobaha Waxbarashada arday aada, ganacsatada joogta hadda dalka kama bixi karaan, sidoo kale dadka Soomaaliyed ee haysta fiisooyinka dal ku galka hindiya hadda ma soo gali karaan dalka, qarkood waxa ay ku xayiran yihiin dalka Kenya oo ah halka dadka ugu badan ay ka qatan Fisaha.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More