Heemaal News Network
Soomaaliya

Safiirka Maraykanka Ee Soomaliya Oo La Kulmay Denni

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa kula kulmay Magaalada Nairobi Safiirka Maraykanka ee Somaliya, Amb. Donald Yamamoto, Saraakiil ka tirsan Safaaradda iyo masuuliyiin ka socda Hay’adda USAID.
Danjiraha Maraykanka ee Soomaaliya iyo xubnihii wehlineysay ayaa Madaxweyne Deni ku soo booqday goobta uu ka degan yahay Magaalada Nairobi, waxaana ku wehlinaayay kulankaasi Madaxweynaha masuuliyiin ka tirsan Golaha Wasiirada iyo Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland.

Madaxweyne Deni iyo Safiirka iyo Amb. Yamamoto ayaa kulankooda uga wadahadlay xaaladda guud ee Somaliya, arrimaha Amniga, si gaar ahna la dagaalanka argagixisada, kobaca dhaqaalaha, mashaariicda horumarineed ee USAID ka waddo Puntland iyo hirgelinta mashaariic hor leh.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More