Heemaal News Network

Safiirka Qatar Ee Somaliya Oo la Kulmay Madaxweynaha K/Galbeed.(Sawiro)

Waxaa maanta magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya gaaray wafdi uu hogaaminayo safiirka dowlada Qatar u fadhiya Soomaaliya Xasan Xamza Assad.

Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Lafta Gareen ayaana xafiiskiisa kusoo dhaweeyay safiirka Qatar iyo wafdiga la socday, waxaana labada dhinac dhax maray kulan arimo badan looga hadlay.

Sida aan wararka ku helnay Safiirka Qatar u jooga Soomaaliya iyo Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ayaa kawada hadlay arimo ay kamid ahaayeen mashaariic Qatar ka fulineyso Koonfur Galbeed iyo arimaha doorashada.

Dowlada Qatar ayaa xiligan saameyn muuqata ku dhax leh Siyaasada Soomaaliya, waxaana Qatar xiriiro toos ah la leedahay dowlada federaalka iyo maamul goboleedyada dowlada hoostaga.

Related posts

Amoud Foundation Oo Xarun Caafimaad ka Dhagax-dhigtay Deeganka Ida-cadays Ee Lughaya.

Heemaall

Elon Musk Oo Suuqa Taajirnimada Caalamka kala Wareegay Mulkiilaha Amazon

Heemaall

Hay’ad ka Walaacsan Xaalada Qaxootiga kasoo Barakacay Colaada Gobolka Tigreega

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More