Heemaal News Network
somali

Safiya Tusmo Oo ka Hadashay 120-ka geel Ee Meherkeeda ahaa Oo Lagu Wareejiyay.

Fanaanadda Safiya Yoonis (Tusmo) oo dhowaan qabsatay baraha bulshada, kadib markii meherkeeda uu hadal heyn dhaliyay, ayaa saakay lagu wareejiyay geel fara badan oo bishii nasoo dhaaftay lagu mehriyay.

Munaasabad lagu qabtay Dooxada Harowa ee magaalada Araabi ee Dowlad Deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya, oo ay goobjoog ka ahaayeen odayaasha labada dhinac ayaa fannaanadda Safiya Tusmo waxaa lagu wareejiyay 120 neef oo geel ah oo meherkeeda ah.

Safiya Tusmo iyo seygeeda Cabdillaahi Yuusuf Aare ayaa horraantii bishii November ku aqalgalay magaalada Boorama, waxaana aad loo hadal hayay meherka 120-ka neef ee geela ah ee lagu mehriyay Tusmo.”

Mar ay BBC-da la hadleysay ayay Safiya sheegtay inaysan iyadu dalban meherkaas. “Anigu horta waxaan ahaa qof iska reer-miyi ah oo xoolaha jecel, laakiin ma dalban meherka qaaliga ah, ee wax uu segeygu ii gartay,” ayay tiri Safiya.

Safiya oo ka timid dalka Mareykanka, ayaa sheegtay inaysan geela iibsan doonin oo aysan lacag u beddeli doonin, ee halkiisa lagu dhaqaaleyn doono.

Safiya ayaa 20 ka mid ah geelaasi waxay ugu deeqday masjid laga dhisaya magaalada, taas oo ay dadka deegaanku aad u soo dhoweyeeen.

Related posts

Ruushka Oo Xoojiyey Duqeynta Uu ku Hayo Caasimada Ukraine Ee Kyiv (Sawiro)

Heemaall

Dowlada Oo 30 kadib Bixisay Shahaadada Duulimaadka Diyaaradii Ugu Horeesay.(Sawiro)

Heemaall

Madaxwaynaha Iyo RW Xamse Oo ka Shiray Dhacdadii Boosaaso

Heemaall