Heemaal News Network
somali

Saldhigyada Ciidamada Kenya Ee Jubooyinka Oo La Weeraray

Warar dheeraad ah ayaa waxaa ay kasoo baxayaan dagaal culus oo degaano ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose ku dhex-maray Ciidamada Kenya oo ka tirsan howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM & Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa yimid, kaddib markii sida la sheegay Xubno ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen saldhig Ciidamo ka tirsan kuwa Kenya ku leeyihiin Afmadoow iyo deegaanka Hoosingoow ee Gobolka Jubbada Hoose.

Dadka degmada Afmadow iyo degaanka Hoosingoow ayaa waxaa ay sheegeen inay maqlayeen dhawaqa rasaasta ay isku adeegsanayeen labada dhinac, sidoo kalena uu jiro khasaaro dagaalka kasoo gaaray labada dhinac iyo dad rayid ah.

Sidoo kale dadka waxaa ay sheegeen inay casbi ballaaran soo wajahday intii uu dagaalka socday, maadaama ay ka baqin qabeen inay waxyeelo kasoo gaartao dagaalka.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya degaananda lagu dagaalamay ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamada Kenya ay halkaasi ka wadaan dhaq dhaqaaqyo Ciidan maadaama Saldhigyad ay ku sugan yihiin la weeraray.

Related posts

Xeerbeegtidii Oo Go’aan Ka Gaadhay Dilkii Floyd “Si Ula Kac Ah Buu U Dilay”

Heemaal

Musharaxiinta Oo ka Hadlay Kala Saarista Xubnaha Gudiyada Doorashada Ee Laga Cabanayay.(Akhriso)

Heemaall

Madaxweynaha Hir-Shabeelle Oo ka Hadlay Colaada ka Taagan Duleedka Beledweyne.

Heemaall