Heemaal News Network

Sanator Maxamed Yuusuf Xaaji Oo Geeryooday

Waxaa magaalada Naiorbi ee dalka Kenya ku geeriyooday Maxamed Yuusuf Xaaji oo kamid ahaa siyaasiyiinta Soomalida ee dalka Kenya.

Maxamed Yuusuf Xaaji oo ah senetarka ismaamulka Gaarisa, kana tirsanaa aqalka saree e dalka Kenya ayaa waxa ageeridiisa xaqiijiyay xildhibaan Aadan Barre Ducaale oo isna laga soo doorto magaalada Gaarissa.

“Muddo afar ilaa iyo shan bilood ayuu xanuunsanayay, marka horena sinta ayaa laga hayay, dalka Turkiga ayaana lagu soo daweeyay”, ayuu yiri Aadan Barre Ducaale.

Maxamed Yuusf Xaaji ayaa muddooyinkii dambe hogaaminayay guddi loo xil saaray inay ka shaqeeyaan wax ka badel la doonayay in lagu sameeyo dastuurka dalka Kenya.

Marxuumka ayaa horay usoo noqday wasiirkii difaaca ee dalka Kenya xilligii madaxweyne Mwai Kibaiki, wuxuuna sidookale soo noqday barasaab gobol iyo xildhibaankii deegaanka Ijara ee ismaamulka Gaarisa.

Related posts

Dawlada Somaliya Oo Loosoo Jeediyay In Sharuudo ku Xirto Siyaasiyiinta Somaliland Ee Xilka ka Raba.

Heemaall

Dhimasho iyo Dhaawac Ka Dhashay Ciidamada Ukraine Iyo Ruushka Oo Dagaalamay.

Heemaall

Dowlada Itoobiya ka Digtay Warar Laga Baahiyay Xaalada Abiy Axmed

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More