Heemaal News Network
Soomaaliya

Saraakiil Alshabaab Ah Oo Lagu Dilay Duqayn Cirka Ah

Warar is khilaafsan ayaa ka soo baxaya qasaaraha ka shashay duqayb dhinaca cirka ah oo ciidamada Ameerikaanku ay ku beegsadeen saldhigyo ay alshabaab ku leedahay degaanada Xaramka, Jilib, Salagle iyo Jamaame oo ka tirsan gobolada Jubooyinka.

Saraakiisha MIlatariga Soomaaliyaa ayaa xaqiijiyay in weeraradan lagu dilay saraakiil sare oo Alshabaab ah oo magacdooda lagu soo koobay Axmed iyo Macalin Arbow, iyo maleeshiyaad tiro badan, laguna burburiyay hub iyo saanad.

Sidoo kale waxa ay dadka degaanku sheegeen inay maqlayeen qaraxa iyo dhawaqa gantaalaha lala beegsaday saldhigyada Alshabaab.

Majiraan war sugan oo ka soo baxay dhinaca maleeshiyada Alshabaab oo qasaaraha ay duqaymahani u gayteen qiranaya ama beeninaya.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More