Heemaal News Network
somali

Saraakiil ku Dhaawacantay Markab Rasaaseeyay Ciidamada Ilaalada Xeebaha Galmudug.

Labo qof oo mid yahay taliye Kuxigeenka Ciidanka Ilaalada xeebaha Galmudug ee Degmada Hobyo ayaa ku dhaawacmey rasaas uu ku furay markab.

Markab ayaa ka mid ah maraakiibta sida sharci darada ah uga kaluumeysta Xeebaha Dalka oo ku soo dhawaadey xeebta Hobyo.

Dhaawaca ragan ka tirsan Ciidamada ilaalada xeebaha Galmudug ayaa yimid xili ay isku dayeen in ay ku dhowaadaan markab ay cabasho ka keeneen kaluumeysatada Deegaanka kaasi oo in mudo ahba xeebta dhow ee Hobyo ka wadey xaalufin ba’an.

Markabka ayaa la sheegay in uu dib u sigay markii is rasaaseyn ay dhexmartay labada dhinac, waxaana ciidanka Galmudug ay dib ugu soo laabtaan Hobyo.

Related posts

Somaliland Oo Sheegtay Inay Oxygen Ugu Deeqdey Dawlad Deegaanka Somalida Itoobiya.

Heemaall

UNHCR Oo Kenya Usoo Bandhigtay Qorshayaal Lagu Xiri-karo Xeryaha Qaxootiga.

Heemaall

Wasiir Bayle: Waxaa Naga Go’an Horumarinta Wax Soo Saarka Fikradaha Cusub

Heemaal