Saraakiil Maraykan Ah Oo Lagu Eedeeyey In Ay Dajeen Qorshe lagu Shiqoolaayo Trump

Ku xigeenka xeer ilaaliyaha guud ee Mareykanka Rod Rosenstein ayaa dafiray wararka sheegayay in uu qorsheeyay in iyadoo dastuurka wadanka loo marayo in xilka laga qaado madaxweyne Donald Trump.
Mr. Rod ayaa sheegay in eedeymahan ay yihiin kuwo aan sax aheyd isla markaana la malo awaalay.
Jariiradda New Yorka Times, ayaa ila aan la carabaabin ka soo xigatay in Mr. Rod uu soo jeediyay in Madaxweyne Trump waxyaabo sir ah laga duubo si loogu eedeeyo in uu qas iyo jahweer badan geliyay Aqalka Cad.
Isagoo ka jawaabayay warbixinta ay daabacday Jariiradda ayuu sheegay in warkan uu sax aheyd.
” Ma rabo warar intaas ka badan in aan ka iraahdo arrintan maadaama isha laga heley warkan aan la sheegin wayna iska caddahay in uu yahay been abuur ka dhan ah waaxda, waxay doonayaan in ay danahooda gaarka ah muujiyaan,” ayuu yiri Mr Rod.
Xeer ilaaliye ku xigeenka Mareykanka ayaa kal hore ka hadlay markii madaxweyne Trump uu ceriyay agaasimihii hey’adda amniga gudaha Mareykanka ee FBI sanadkii tagay.
Mr Trump ayaa kulan fiidnimadii jimcaha ka dhacay magaalada Missouri ee dalka Mareykanka ka sheegay in uu maqlay in waaxda cadaaladda ay qorsheynayso in ay shirqoolaan.
Waxaa uu sheegay in maamulkiisa xoreeyay isla markaana iloobay in kuwa xun xun ka xoreeyo hey’adda FBI.