Heemaal News Network
Soomaaliya

Saraakiil Turki Ah Oo Qarax Lagula Eegtay Degaanda Ceelasha Biyaha Ee Duleedka Muqdisho.

Qaraxa oo ahaa miino nooca dhulka lagu aaso ah ayaa duhurnimadii maanta ka dhacay degaanka ceelasha biyaha ee duleedka Muqdisho., waxana ay wararku sheegayaan in qaraxan lagu beegsaday askar ka tirsan ciidamada dowladda oo ilaalo u ahaa saraakiisha Turkiga ee ku howlan dhismaha waddada xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in qaraxaasi ay ku geeriyoodeen laba askari oo ka tirsan ciidamada dowladda, mid kalena uu ku dhaawacmay ,kaas oo loo soo qaadey magaalada Muqdisho.

Goobjoogayaal ayaa sheegaya in qaraxa ka dib ay ciidamada dowladdu ay fureen rasaas badan, taas oo aan la sheegin inay geysatay wax khasaaro ah oo kasoo gaarey dadka shacbaka ah.

Wadada xiriirisa magaalada Muqdisho iyo degmada Afgooye ayaa inta badan waxaa qarax lagula eegtaa ciidamo ka tirsan kuwa dowladda iyo Amisom, kuwaas oo waxyeelo kasoo gaartay.

Kooxda Al-Shabaab ayaa la rumeysan yahay in qaraxyada ay dooneyso inay ku joojiso dhismaha waddada.

Qarax 28-kii bishan ka dhacay Ex-Control Afgooye, ayaa waxaa ku dhintay 81 qof oo badankood shacab ah, ayada oo ay ku dhaawacmeen in ka badan 140 kale.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More