Heemaal News Network
somali

Sarkaal Ciidan Iyo Shacab Caawa ku Dhintay Qarax Caawa ka Dhacay Kismaayo

Wararka laga helayo caawa magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in Taliye kuxigeenkii Gutada 11 qaybta 43 xaad ee cidanka xoogga dalka Ismaaciil Sheeq Isaaq uu ku geriyooday Qarax miino oo gurigiisa ka dhacay.

Sarkaalka ayay wararku sheegayaan iney la geeriyoodeen labo gabdhood oo uu awoowe u ahaa, Waxaa sidoo kale dhaawacmay 3 qof oo guriga kula sugnaa.

Lama cadeynin nooca uu ahaa qaraxa lagu dilay Taliye kuxigeenkii Gutada 11 qaybta 43 xaad ee cidanka xoogga dalka Ismaaciil Sheeq Isaaq iyo gabdhaha uu awoowaha u ahaa.

Ciidamada Amaanka Jubbaland ee magaalada Kismaayo ayaa gaaray guriga uu qaraxu ka dhacay halkaasoo ay ka wadaan baaritaano.

Related posts

Xasuuqayaal Muqdisho Ku Dilay Dr Xassan Cismaan Ciise (Buurane)

Heemaal

Wax Ka Ogow Sheekada Cusub Ee “Roobkii La Kala Xaday”

Heemaall

Xasan Sheekh Oo la Kulmay Ganacsatada Soomaaliyeed Ee Imaaràadka.(Sawiro)

Heemaall