Heemaal News Network
Soomaaliya

Sarkaal Ka Tirsan Alshabaab Oo Isku Soo Dhiibay CXDS

Ciidamada Dowladda Soomaaliya ee ku sugan degmada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa ay Maanta soo bandhigeen Sarkaal ay sheegeen in uu ka tirsanaa Al-Shabaab,hayeeshee isku-soo dhiibey Ciidanka Dowladda Soomaaliya.

Sarkaalkaan oo Magaciisa lagu sheegay Maxamed Axmed Maadeey ayaa taliska Booliska degmada Baraawe waxaa ay sheegeen in uu isku-soo dhibey Ciidamada Dowladda,isla markaana Al-Shabaab uu ku biirey sanadkii 2012-kii.

Maxamed Axmed Maadeey oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in uu la soo xiriirey abtigiis oo dowladda ka tirsan sidaasina ay ugu suurta gashay in uu dowladda is ku soo dhiibo, waxaana uu baaq u diray xubnaha weli ka tirsan Al-Shabaab.
Taliyaha Booliska degmada Baraawe Ibraahim Aadan Cali ayaa goobta lagu soo bandhigeyey sarkaalkaan ka sheegay in sarkaalkaan sababaha uu uga soo baxay Al-Shabaab ay kamid tahay dhibaatooyin uu kala kumay iyo inay ka shakiyeen.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More