Heemaal News Network
Soomaaliya

Sarkaal Ka Tirsan Booliska Soomaliya Oo Lagu Qarxiyey Gaadhigiisii

Qarax gaari lagu soo xiray ayaa goordhow waxaa uu ka dhacay nawaaxiga dekeda Magaalada Muqdisho
Goobjoogayaal ayaa warbaahinta u sheegay in qarax loogu xiray gaarigiisa Sarkaal ka tirsan Ciidamada Soomaaliya uu ka dhacay degmada Xamar Jajab ee gobalka Banaadir, gaar ahaan afafka hore ee Dekadda Muqdisho.

Saraakiil ka tirsan hey’adaha amaanka ayaa sheegay in uu dhaawac culus uu soo gaaray, kaasi oo lagu magacaabo Genaraal Maxamed Dhoore una qaabilsanaa Booliska xidhiidhka arimaha dibadda.

Gaariga qarxay ayaa waxaa la sheegay inuu ahaa saaruf oo la sheegay in ay leeyihiin booliska Soomaaliya.

Ciidamo badan oo ka tirsan booliska soomaaliya ayaa gaaray goobta uu qaraxa ka dhacay, iyagoona xiray wadooyinka soo gala wadadaasi.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More