Heemaal News Network
somali

Sarkaal ka Tirsanaa Wasarada Cadaalada Oo Caawa Lagu Dilay Magaalada Muqdisho.

Allaha u naxariistee waxaa caawa lagu dilay Magaalada Muqdisho Avv. C/llaahi Maxamed Cabdi (Bagadi) oo ka tirsanaa shaqaalaha dowlada Somalia.

Marxuumka dilkiisa ayaa ka dhacay xaafada Taleex oo ka tirsan magaalada Muqddisho ka dib markii ay weerar ku soo qaadeen rag bastoolado ku hubeysan sida ay sheegeen dad goob joogayaal ah.

Wararka ayaa sheegaya Avv. Cabdullaahi Maxamed Cabdi (Bagadi) uu ka tirsanaa shaqaalaha Wasaarada Cadaalada ee xukuumada Somalia.

“Innaa Lilaahi wa innaa Ileyhi raajicuun, Allaha u naxariisto Walaalkeen Abuukaate Cabdullaahi Mohamed Cabdi oo ka tirsanaa shaqaalaha Wasaaradda Cadaaladda XFS oo gacan ka xaqdaran ku dishay degmada Hodan ee magaalada Muqdisho” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo ka soo baxay Wasaarada.

Kooxaha dilka geystay ayaa ka baxsaday goobta ay wax ku dileen, mana jiro War ka soo baxay laamaha amaanka DF oo ku saabsan dilkan oo la aaminsan yahay iney ka dambeeyeen Al-shabaab.

Related posts

Ethiopia Oo Maanta Leexisay Duulimaadyadii Garoonka Addis Ababa.

Heemaall

Dadbadan Ayaa Ka Bogsaday Covid

Heemaal

Taliyaha Cidamada Darawishta Puntland Oo Ka Hadlay Howl Galo Ay ka Sameyeen Gobolka Bari

Heemaall