Heemaal News Network

Sarkaal ka Tirsanaa Maxkamada Gobolka Sool Oo Lagu Dilay Laascaanood.

Dablay hubaysan ayaa xalay magaalada Laascaanood ee gobolka Sool ku dilay masuul kamid ahaa garsoorka gobolka Sool oo Lagu magacaabo Cabdulaahi Salaad (wadaadyare).

Masuulkaan ayaa la dilay xilli uu sii galayey hoygiisa. Lama garanayo sababta loo dilay iyo cidda ka dambeysa dilkiisa.

Horaantii sanadkaan, Laascaanood ayaa lagu dilay gudoomiyihii maxkamada gobolka Sool, kadib qarax loogu xiray gaarigiisa.

Ma jirto cid sheegatay dilkiisa weli.

Gobolka Sool oo hoos taga maamulka Somaliland, ayaa masuuliyiinta hay’adda garsoorka waxay ka yihiin dadka ugu badan ee la batilmaameesanayay 10 sano ee ugu dambeeyay.

Horey, ayaa waxaa magaalada loogu dilay guddoomiyayaal maxkamadeed, xeer ilaaliyalaal iyo saraakiil amni.

Related posts

Biixi Oo Shacabka Saylac U Sharaxay Socdaalkiisii

Heemaal

Wasiir ka Tirsan Hirshabelle Oo Xilkii Laga Qaaday (Akhriso)

Heemaall

Dawlada Fadaraalka Oo Ka Hortagtay Hub Sharci Darro Ah Oo Dawlado Iyo Hay’ado Ku Soo Galinayeen Dalka

Heemaal

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More