Heemaal News Network

Sarkaal ka Tirsanaa Sirdoonka Mareykanka Oo Lagu Dilay Somaliya

Sida laga soo xigtay Wargeyska New York Times Sarkaal ka tirsan ciidamada Mareykanka ayaa toddobaadyadii taggay lagu dilay gudaha dalka Soomaaliya.

Sarkaalkan oo aan magaciisa la helin ayaa la sheegay in markii hore uu ku dhaawacmay howlgal kaddibna uu u geeriday gaar ahaan waxaa uu ka tirsanaa qeybta sida militariga u tababaran ee CIA -da Mareykanka.

Howlgalka uu ku dhintay sarkaalkan sidoo kala lama sheegin uu ahaa mid ay ciidamada Mareykanku qaadeen ama weerar uga yimid dhinaca xoogagga Ururka Al-shabaab, hasse ahaatee waxaa la sheegay oo kaliya in sarkaalkan uu ku dhintay howlgal.

Dhimashada sarkaalkan ayaa imaneysa ayada oo madaxweyne Trump uu diyaariyey amar ciidamada Mareykanka ee gaaraya 700 looga soo saarayo Soomaaliya, kahor inta uusan xafiiska ka tegin.

Mareykanka ayaa qeybo badan oo dalka Soomaaliya ah ka fuliyay duqeymo dhinaca cirka ah oo lagu bartilmaameedsanayay xoogagga Ururka Al-shabaab iyo howlgalo dhinaca dhulka ah oo ay iska-kaashanayaan inta badan ciidamada dowladda Soomaaliya..

Related posts

Muwaadin Somaliyeed Oo Lagu Dilay Koonfur Afrika

Heemaall

Khayre Oo Ka Hadlay Doorasahada Iyo Saamaynta Ay Ku Yeelan Karto Musuqmaasuq Dhaca

Heemaal

Ra’iisul Wasaarihii Is-casilay Oo Mar kale loo Magacaabay RW Kuwayt.

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More