Heemaal News Network
somali

Sacuudiga Oo Go’aan kasoo Saaray Gudashada Xajka Ee Sanadkan.

Wasaaradda Xajka iyo Cumrada ayaa ku dhawaaqday in Xajka sannadkan 1442 ee hijriyada (2021) uu ku koobnaan doona dadka degan iyo muwaadiniinta Sacuudi Carabiya oo keliya.

Tirada xujeyda ee sannadkan ayaa lagu koobay 60,000 kun oo xujeyda ku nool Sacuudiga, taasi oo ka dhigan in dhammaan xujeydii ka iman laheyd guud ahaan caalamka aysan gudan karin xajka sanadkan.

Bayaan ka soo baxay Wasaaradda Xajka iyo Cumrada Sacuudiga ayaa lagu sheegay in sababta loogu xadeeyay kaliya 60 kun oo muwaadin oo Sacuudi ama dadka heysta iqaamada dalkaasi ay tahay halista cudurka safmarka ah ee COVID-19 uu wali ku hayo dunida.

Wasaaraddu waxa ay sheegtay in dadka loo ogolaan doono gudashada xajka sanadkan ay da’doodu u dhaxeyn doono 18 ilaa 65 sano jir, islamarkaana ay waajib noqo doonto in ay si buuxda u soo qaateen tallaalka looga hortago xanuunka COVID-19.

Xajka sanadkan ayaa lagu wadaa in uu dhaco bartamaha bisha July ee foodda nagu soo heysa.

Related posts

Guddiga loo Saaray Dadkii Lagu Laayay Sh/Hoose Oo la kulmay Taliska Ciidamada AMISOM.

Heemaall

Toos U Daawo Hadal Jeedinta Farmaajo Ee Baarlamaanka

Heemaal

Guddiga Doorashada Puntland Oo Shaaciyay Natiijada Horudhaca ah Ee Doorashada.

Heemaall