Heemaal News Network
Soomaaliya

Sawir Qaade ka Tirsanaa Idacada Codka Ciidamada Somaliya Oo ku Dhintay Weerarkii Awdheegle.

Saraakiil ka tirsan milatariga Somalia ayaa xaqiijyay inuu sawir qaadihii warbaahinta ciidamada dawlada ku dhintay weerar ismiidaamin ah saakay lagu qaaday saldhig ciidamada Kumaandooska Somalia ku leeyihiin degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellaha hoose.

Gacal Cabdulle oo ahaa filim qaade ka tirsanaa Idacada ku hadasha afka ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya SNA Radio ayaa saaka ku geeriyooday weerekii ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay xerada cidamada ee Awdhiigle, waqti uu ku guda jiray howlmaalmeedkiisa shaqo.

Qaar ka mid ah weriyaasha warbaahita Codka ciidamada ayaa sidoo kale xaqiijiyay geerida allaha u naxariistee Gacal Cabdulle oo muuqaalada gaarka ah iyo sawirada u qaadi jiray warbaahintaas.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More