Heemaal News Network
somali

Shacabka Itoobiya Oo Loogu Baaqay Inay Fallaagada TPLF ka Difaacaan Addis Ababa.

Saraakiisha Itoobiya ee ku sugan caasimadda dalkaasi ee Addis Ababa ayaa ugu baaqay dadka magaaladaasi inay diiwaangashadaan hubkooda ayna magaaladooda ilaashadaan, xilli laga cabsi qabo in fallaagu ay u soo ruqaansadaan dhanka caasimadda.

Codsigan ayaa imanaya maalma uun kaddib markii Falaagada Xoraynta Shacabka Tigray (TPLF) ay sheegtay inay qabsadeen laba magaalo oo qiyaastii 400km u jira magaalada Addis Ababa.

Dagaalka ayaa sanad ka hor ka qarxay gobolka Tigray ee waqooyiga dalkaasi, waxayna dowladda Itoobiya gaashaanka u daruurtay sheegashada TPLF ay ku qabsadeen laba magaalo iyadoo ku tilmaantay borabagaando.

TPLF ayaa tan iyo markii uu dagaalku bilowday horumar ka samayay gobollada dariska ah gobolka Tigray ee Amxaarada iyo kan Canfarta, iyadoo ay colaaddaasi ku dhinteen kumannaan qof in ka badan laba milyan oo qofna guryahooda ayey isaga carareen.

Related posts

Daawo Khudbad Xaasaasi ah Oo Uu M/Biixi ka Jeediyay Xuska 26-ka June Oo Dhamays-tiran.

Heemaall

Fahad Yaasiiin Oo Maxkamadda Sare U Gudbiyay Cabasho ka Dhan ah in Kursigiisa.

Heemaall

Doorashada kuraasta Awdal Ee Golaha Shacabka Oo Maanta ka Dhacday Muqdisho

Heemaall